Maamulada Koonfur Galbeed iyo Kaduna oo la mataaneynayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ABUJA, Nigeria - Maamulada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo ismaamul goboleedka Kaduuna ee wadanka Nigeria ayaa kala saxiixdey heshiis mataaneyn ah oo la xiriira labada dowlad goboleed.

Heshiiska ku saabsan qadiyadan ayaa waxaa Talaadada maanta ah kala saxiixdey hogaamiyeyaasha labadan dowlad goboleed, Cabdicasiis Laftagareen iyo Maalam Naasir Ahmed.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, labada madaxwayne ayaa sidoo kale waxay isla qaateen in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta danaha ay wadaagaan.

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo dhigiisa Kaduuna ee Nigeria Maalam Naasir Ahmed ayaa kala Saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan,Wadashaqayn,Iskaashi iyo  Mataaneyn Labada Dowlad Goboleed," ayaa lagu yiri bayaanka SouthWest State House.

Axadii 4-ta July, 2021 ayay ahayd markii Laftagareen uu gaarey waddanka Nigeria. Socdaalka waxaa lagu sababeeyay is-dhaafsi aragti ku saabsan nidaamka federaalka ee labada dal ka jira.

Isniinti shalay ahayd, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehliyeen wafuud ayaa lagu casuumay in uu furo shirka Gollaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Kaduna.

Isla shalay, Laftagareen oo xafiiskiisa uu ka dhawaajiyey in socdaalkan ay galeen markii ay heleen martiqaad rasmiya ayaa wuxuu kormeer ku tagay mashaariic maamulka ka wado magaaladda Kaduna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM