Maamulka Farmaajo oo dhaliilay hanjabaadyada caalamiga ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay wakiilada Beesha Caalamka mowqifka ay ka qaateen go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka labada sano ugu kordhiyey maamulka Farmaajo.
Hanjabaadyada ku saabsan cunaqabateyn lagu soo rogayo shaqsiyaadka caqabadda ku ah qabsoomida doorashooyin nabdoon iyo wadahadaladda ayay ku qeexdey "kuwa u adeegaya ururada argagixisada iyo nabad diidka.".
Xukuumadda xil-gaarsiinta ee uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku fashilantay dheelatirka mar-xaladda kala guurka ayay wasaaraddu ka dhawaajisay in ay taageerso ku darsiga "sharci daradda ah".
Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland ayay ku eedeysay in ay caqabad ku noqdeen wadaxaajoodyadda iyo dhaqan-gelinta heshiiska 17-kii September oo xeerinaya in doorashooyinka soo aadan ay noqdaan kuwa dadban.
"Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal," ayay raacisay.
Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa looga been abuurtay maamulka Galmudug laguna daray liiska maamuladda taageeray muddo kororsiga wallow mas'uuliyiinta gobolkan ay kasoo horjeesteen.
"In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi'da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda," ayay tibaaxdey.
Qoraalka ayaa la raaciyey: "Bayaannada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madax-bannaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madax-bannaanida ee hay'adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiirrigelinta ururrada argaggixisada iyo kuwa nabad-diidka ah ee ka jira Soomaaliya".
Maamulka Farmaajo ayaa u muuqanaya mid si isku dayaya in uu isk caabiyo cadaadiska iyo diidmadda caalamiga ah ee ku aadan muddo kordhinta labadda sano. Balse, ma cadda inta gabaadka uu kusii jiri doono madaxweynaha waqtiga dhacay.
GAROWE ONLINE