Maamulka Farmaajo oo diidey ku laabashada wadahadalada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Farmaajo ayaa wuxuu soo dhaweeyay ergay ururka Midowga Afrika u soo diro Soomaaliya si qeyb uga noqdo dedaalada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka ee daba-dheeraadey.

Balse, taliska waqtiga ka dhacay wuxuu diidey in cambaareynta guddiga amniga AU-da ee muddo kororsiga labada sano ee sharci darada ah iyo in howlgalka Midowga Afrika ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa dhigooda Soomaaliya.

Qodobadan ayaa qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka Khamiistii dhexmaray xubnaha Golaha Amniga, Nabada iyo Siyaasadda ee Midowga Afrika.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa isaga oo aan caddeymo soo bandhigin ku eedeeyay Jabuuti iyo Kenya "in ay mas'uul ka ahaayeen in qodobadan lagu darro war-murtiyeedka".

Dubbe oo Sabtida maanta ah war-fidiyeenka kula hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan aqbali doonin natiijada kasoo baxa shirar ay ka qeybgalayaan "wadamadda aanu is-hayno ee saaxiibadu aanu ahayn".

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, wasiir Dubbe ayaa caddeeyay in dowladda waqtiga ka dhacay ee Farmaajo uusan u hogaansami doonin baaqyada caalamiga ah ee ku saabsan ku laabashadda wadahadaladda.

"Horta wax walba waxaa ka sareeya [sharci]. Waxna waa soojeedin waxna waa sharci. Waxaa yaala xeer kasoo baxay baarlamaanka waxaana la yiraahdaa Xeerka Jiheynta Doorashooyinka. Wax ka sareeya oo la taaban karaana ma jiraan. Xukuumadana waxay u diyaarsan tahay fulinta go'aanada sharciga ah ee kasoo baxa baarlamaanka," ayuu Dubbe kaga jawaabay su'aal uu wariye waydiiyey taasoo ahayd in maadaama baaqyada caalamiga ah uu soo dhaweeyay in dowladdiisu ka tanaasuahay kororsiga.

Hasa ahaatee, wasiirka wuxuu si ola kac ah uu isaga indhatiray su'aal kale oo ku saabsaneyd in go'aankaas uusan u dhameyn baarlamaanka isla markaana uu kasoo horjeestay Aqalka Sare oo ku sifeeyay "sharci darro".

Diidmada maamulka Farmaajo ee baaqyada ku laabashada wadahadalada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka ayaa dab kusii shidi kara xaalada cakiran waxayna hoos u dhigeysaa rajada in xalka uu soo degdegi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM