Maamulka Farmaajo oo UN uga digay "faragelinta" doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo qoraal dirtey ayaa "faragelin" ku tilmaamtey hadalada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kasoo saaro khilaafka doorashooyinka.

Xukuumadda xil-gaarsiinta waxay ku adkeysatay "in aan loogu gacan-dhaafin" xal-u-helida is-mari-waaga taagan.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online waxaa si gaar ah loogu soo hadal-qaadey Linda Thomas-Greenfield, oo ah ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay ahna madaxweynaha xilka kasii degaya ee Golaha Ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Linda oo 31-kii Maarso ka hadashay fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqdey madaxda Soomaalida in ay si degdeg ah uga heshiiyaan doorashada una tanaasulaan dadka dalka iyo dadkooda.

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa faragalin kasta oo lagu sameeyo geedi socodka doorashooyinka qaranka kana yimaada dibadda inay tahay faragalin toos ah oo lagu sameynayo arrimaheena gudaha," ayaa lagu yiri warqad ka socota dowladda Soomaaliya oo loo diray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Fariinta wasaaradda ayaa kusoo hagaageysa xilli maamulka Farmaajo wajahayo cadaadis xooggan kuna saabsan in uu ku laabto wadahadalada xalka waara loogu raadinayo is-mari-waaga coddeynta aadka isha loogu hayo ee waqtigeedii aynu kasoo gudubnay.

Warqadan ayaa sidoo kale waxay kusoo aadeysaa saacado kadib markii wakiiladda Beesha Caalamka ay maamulka Farmaajo ku tartarsiiyeen in uu degdeg ugu laabto shirka uu iclaamiyey in uu fashilmay ee Afasiyooni "si heshiis wada ogol ah looga gaaro is-maan-dhaafka doorashooyinka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM