Maamulka Galmudug oo doon Kaluumeysi ku qabtey Hobyo

Image

Ciidamda Badda ee Maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay dooni si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay xeebta Hobyo ee goboka Mudug iyo shaqaalihii saarnaa oo ay tiradoodu tahay 40.

Taliye kuxigeenka ciidamada badda Galmudug Cadirashiid Maxamed Axmed ayaa VOA-da u sheegay in doonidaasi laga leeyahay dalka Yemen, guud ahaan shaqaalaha saarana ay yihiin Yamaniyiin. 

Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay shaqaalaha doonida iyo ciidamda badda ee Galmudug ka dib ay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan doonida iyo guud ahaan shaqaalaheeda oo uu la socday “nin u dhashay Puntland.” 

Waxa uu sidoo kale sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha doonta oo ku dhaawcmay is rasaaseynta la dhigay cisbital lagu dabiibayo.

Qabashada doontaan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka labada maamul xun yahay kuwasoo bilihii lasoo dhaafey dagaal ku dhexmarey xarunta gobolka Mudug.

VOA+ GAROWEONLINE 

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM