Madaafiic lagu weerarey saldhig ku yaala Koonfurta Soomaaliya

Image

WAAJID: Kooxda al Shabaab ayaa sheegtay in xalay ay 13 madfac ku weerareen saldhig ciidanka dowladda Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxyo is xig-xiga balse aysan oggeyn khasaaraha ay geysten, iyadoona maamulka degmada uusan wali ka hadlin sheegashada kooxda.

Saraakiisha laamaha amniga ee degmada ayaa saaka lagu wadaa in kulamo looga hadlayo xaaladdaha degmada ay yeshaan, iyadoo degmada todobaadyadii lasoo dhaafay aysan ka dhicin weeraro noocan oo kale ah.

Howlgallada al Shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa kuwo is daba joog, kaddib markii ay yareen howlgallada ciidanka dowladda ay ka sameyn jireen waddooyinka isku xira deegaannada ay ciidanka ka joogaan gobollada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM