Madasha Badbaado Qaran oo dalab u dirtay Golaha Ammaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Badbaado Qaran ayaa Waxay ka dalbatay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in ay naqdiyaan muddon kororsiga sharci darada ah ee uu maamulka taliska Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay qoraal Madasha kusoo saartay luuqada English-ka kana kooban laba bog, Madasha ayaa dooneysa in golaha u  aqoonsado dheereysiga "talaabo baalmarsan dastuurka"

Bayaanka oo uu arkay Garowe Online ayaa lagu xusay in Ku darsiga halis ku tahay guulaha laga gaarey nabada iyo xasiloonida, kuna celineyso qaranka "tafaraaruq siyaasadeed & isku dhac hubeysan".

"Go'aanka [muddo kororsiga] waa isku day la rabo in lagu carqaladeeyo dedaalada lagu doonayo in heshiis looga doorashooyin ku saleysan heshiiska 17-kii September," ayaa la raaciyey warka qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Madasha Badbaado Qaran ay qaadeyso talaabooyin ka dhan ah muddo kororsiga sharci darada ah isla markaana xudun u ah in xal waara loo helo khilaafka.

"Madasha Badbaado Qaran waxaa ka go'an in kala sareynta sharci dib loogu soo celiyo Soomaaliya si nabad ah. Iyaddoo taas la xeerinayo waxaan goobeynaa in faragelinta Golaha Ammaanka," ayay tibaaxeen.

Qoraalka Madasha Badbaado Qaran ayaa ku taariikheysan 19-ka April, 2021 taasoo la macno ah in ay direen shalay oo Farmaajo uu DRC u tegay si uu taageero dibada ah ugu helo muddo kororsiga labada sano ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha Badbaado Qaran

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM