Madaweynaha oo sheegay xilliga Soomaaliya laga qaadi doono Cunaqabateynta Hubka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu.

hiigsiyadaas ayaa ka mid ah cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada gacanta ugu jira ‘AS’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha la xiriira dibadda iyo beesha caalamka, isaga oo sheegay:

"Asbuuca ugu horreeya bisha December Cunaqabateynta Hubka ayaa nalaga qaadaa, 13 December sidoo kale deynta ayaa nalaga cafinaa, guulo waaweyn ayaa soo socda".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM