Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Magaalada Baledweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Wafdi ballaaran, oo uu hogamainayo Madaxweynaha maamulka Hir-ShabelleCali C/llaahi Cosoble ayaa maanta  gaarey magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka Warsidaha Garowe Online kasoo gaareyo Beledweyne, ayaa sheegay in Wafdiga Madaxweyne Cosoble ay kamid yihiin Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan, oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia.  

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa la socdo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo lagu soo waramayo inuu dhex-dhexadinayo Cosoble iyo Ugaas Khilaaf Ugaas Xasan.  

Ugaas Khilaaf Ugaas Xasan, ayaa si aad ah uga soo horjeeda maamulka Hir-Shabelle, oo uu sheegay in wadadii loo maray dhismihisa aysan ku qancin Bulshada Hiiraan. 

Amniga magaalada Beledweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay maanta, waxaana iska kaashanayay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM. 

Madaxweynaha Hir-shabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Wafdigiisa ayaa waxay kulamo kula qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil sare xarunta Maamulka Gobolka ee Baledweyne.

Waa Safarkii labaad, oo Cali C/llaahi Cosoble ku tago Beledweyne tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle Bishii October, ee sanadkii 2016-ka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM