Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Magaalada Baledweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Wafdi ballaaran, oo uu hogamainayo Madaxweynaha maamulka Hir-ShabelleCali C/llaahi Cosoble ayaa maanta  gaarey magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka Warsidaha Garowe Online kasoo gaareyo Beledweyne, ayaa sheegay in Wafdiga Madaxweyne Cosoble ay kamid yihiin Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan, oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia.  

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa la socdo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo lagu soo waramayo inuu dhex-dhexadinayo Cosoble iyo Ugaas Khilaaf Ugaas Xasan.  

Ugaas Khilaaf Ugaas Xasan, ayaa si aad ah uga soo horjeeda maamulka Hir-Shabelle, oo uu sheegay in wadadii loo maray dhismihisa aysan ku qancin Bulshada Hiiraan. 

Amniga magaalada Beledweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay maanta, waxaana iska kaashanayay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM. 

Madaxweynaha Hir-shabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Wafdigiisa ayaa waxay kulamo kula qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil sare xarunta Maamulka Gobolka ee Baledweyne.

Waa Safarkii labaad, oo Cali C/llaahi Cosoble ku tago Beledweyne tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle Bishii October, ee sanadkii 2016-ka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM