Madaxweynaha oo Saraakiisha Ciidanka kala shiray dagaalka ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka, isagoo kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka ‘AS’.

“Waxaan bogaadinaynaa naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoraynta deegaannadii ay ku sugnaayeen argagixisada, waxaana la filayaa in ciidamada deegaanku ay kaalin mug leh ka qaataan halgankan.” ayuu yiri.

Ciidamada dowladda ayaa la filayaa in ay billaabaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah ‘AS’, kadib markii ay kala wareegaan magaalooyinka ay kaga harsan yihiin Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM