Madaxweynaha oo waqti u qabtay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya

Image

LONDON (GO) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan khudbad ka jeediyay xarunta cilmi baarista amniga RUSI ee ku taala magaalada London ayaa iftiimiyay ololaha dowladda Soomaaliya ay kula jirto argagixisada, isagoo ka warbixiyay sida uu u arko mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaababka kala duwan ee ay dowladdu u qaadatay dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjirka ah.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday istiraatijiyad saddex-geesood ah, oo isugu jirta duullaan ciidan, hindise dhaqaale, iyo dadaallo wadajir ah oo looga hortagayo saameynta fikirka ah ee kooxahaas.

Isagoo ka hadlayay horumarka laga gaaray dib u xureynta dhulka ay haystaan Ururka ‘AS’, wuxuu xusay in in ka badan siddeetan Degmooyin & Deegaano oo la xoreeyay, taasoo dowladda u saamaxday in ay gaarsiiso adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada, caafimaadka, iyo sidii ay dadka deegaanka u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay mas’uuliyad buuxda uga qaadan lahayd amniga dalka oo ay ka mid tahay in ciidamada shisheeye ah ay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM