Madaxweynaha Soomaaliya oo aqoonsaday Israa’iil kuna baaqay in la dhiso dawlad Falastiin ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Arab News ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.
Hadalka Madaxweynaha ayaa dhaliyay muran baahsan ka dib markii uu sheegay inuu aqoonsanyahay dowladda Israa’iil, isagoo ku nuux-nuux saday inuusan cadaawad u qabin Yahuudda.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Shacabka Falastiin ay helaan xuuqadooda, wuxuuna sheegay in Khilaafka Falastiin uusan ku xirnayn diin iyo qowmiyad uuna yahay arrin taabanaysa bini’aadantinimada.
"Ma necbayno Yuhuuda, waanu aqoonsannahay jiritaanka dawlad Israa'iil ah, laakiin waa in shacabka Falastiin loo ogolaado inay aayahooda ka tashadaan oo ay dhistaan dawladooda."
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hadlo asalka taariikhiga ah ee khilaafka, oo aan la raadin oo kaliya xalka lagu gaari lahaa dhacdooyinka haatan taagan.
Bulshda Soomaaliyeed ayaa si kala duwan uga falceliyay hadalada madaxweynaha, iyaga oo u kala qeybsamay garab taageeray iyo kuwoo ka soo horjeestay hadaladaan.
GAROWE ONLINE