Madaxweyne Xasan Sheekh: 4 Kun Neef oo Xoolo ah ayay fatahaadahu ku laayeen deegaanada dalka

Image
140,000 oo guri ayaa ku burburay fatahaadaha sidoo madaxweynaha sheegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadda wabiga Shabelle iyo Jubba oo ku dhuftay deegaano ka tirsan dalka.

Musiibadan bini'aadantinimo ayaa saamaysay laba milyan oo qof, waxaana tirada dhimashadu gaartay 101 qof, halka in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakaceen, sida uu sheegay Madaxweynuhu.

Dadka ku nool Miyiga ayuu sheegay madaxweynaha in ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyeen fatahaadaha, maadaama ay ku waayeen ku dhawaad ​​400 Kun oo neef oo xoolo ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 140,000 oo guri ay ku burbureen fatahaadaha, waxaana sidoo kale ku burburay buundooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere, halka kuwoo kale ay ku dhaw yihiin inay go’aan.

Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed fariin u diary ayaa yiri: “Waxaad heysato wax ka bixi, ha is dhihin waa ay yaryihiin. Waa aduunyo & Aaqiro wanaagsan oo isla socda, dal iyo dibadba aan u midowno badbaadinta naf Soomaali ah”.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay qeylo dhaan ka soo yeertay xildhibaanada baarlamaanka oo ku baaqaya in lala xisaabtamo mas’uuliyiintii ka gaabisay wax u qabashada dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM