Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dubai

Image
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhibaatada fatahaaddu ay saameysay 2 Milyan oo Soomaali ah.

DUBAI (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmi doono dalkaas.

Waxa uu shirka ku soo bandhigi doonaa saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, iyo muhiimada in la helo taageero caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale iftiimin doona qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM