Mareykanka oo "dib-u-qiimeynaya" xiriirka Dowlada Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Sharci-dejiyaal ka tirsan Senate-ka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Michael McCaul iyo Gregory Meeks ayaa si adag uga hor-yimid muddo kordhinta labada sano ee maamulka Farmaajo.

"Talaabadan waxay burburineysaa nidaamka federaalka waxaana ay xasilooni darro u horseedeysaa Soomaaliya," ayaa ku sheegeen war-saxaafadeed ay Senatoradan soo saareen Talaadada maanta ah.

Mudaneyaasha oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa cod dheer waxay ku waydiisteen ukuumadda Washington ay dib-u-qiimeyso xiriirka ay la leedahay dowlada federaalka Soomaaliya iyo kaalmada ay siiso.

Cunaqabateyn ka dhan ah shaqsiyaadka curyaaminaya wadaxaajoodyadda xalka loogu raadinayo is-mari-waaga ayay soo jeediyeen. Balse, ma magacaabin cidda caqabadda ku ah geedi-socodka wadahadalka.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo in uu xagal-daacinayo wadaxaajoodyadda isla markaana ay doonayaan in laga qaado talaabada ku haboon dhaqankiisa.

"Haddii muddo kordhinta horey loosii waddo, Mareykanka waa in uu dib u qiimeeyaa taageerada iyo cilaaqaadka aan la leenahay dowladda Soomaaliya uuna tixgeliyaan cunaqabateyn ka dhan ah shaqsiyaadka caqabada ku ah wadaxaajoodyada lagu xalinayo qalalaasaha doorashooyinka," ayay ku dareen warka qoraalka.

Baaqan oo sidoo kale walaaca looga muujiyey xaaladda cakiran ee Soomaaliya dhexda kaga jirto sagaalkii bilood ee u dambeysay ayaa salka ku haya muddo kordhinta halka dhinac ee loo sameeyay maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM