Mareykanka oo ka jawaabay dhaliil uga timid mucaaradka

Image

WASHINGTON, USA – Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah waxay uga jawaabtay dhaleeceyn uga timid qaar kamid ah siyaasiyiinta ee kasoo horjeeda maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mucaaradka ayaa ku dhaliilay Mareykanka in uusan wax ka qaban markii sanado kahor ay soo ifbaxdey damaca kursi isku dhejinta Farmaajo.

Wargeyska New York Times ayaa kasoo xigtay afhayeen uusan carabaabin magaciisa in Washington ay "si ku celcelis iyo joogto ah" ay uga dalbatay Farmaajo in uu wadaxaajoodyo wax ku ool ah la galo maamulada dalka.

Sida laga soo xigtay afhayeenka, Mareykanka ayaa sidoo kale wuxuu Farmaajo oo xilka haya isagoo waqtiga ka dhacay 8-dii Febraayo ku tartarsiiyey in wadahadaladda ay noqdaan kuwa horseedaya dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo wada-ogol la gaaro arrimaha hor-tabinta u leh xasiloonida Soomaaliya.

Arrimaha hortabinta u leh deganaanshiyaha Soomaaliya waxaa kamid ah doorashooyinka oo haatan ah mawduuca ugu weyn ee khilaafka ka jiro.

Coddeynta ayaa qorshuhu ahaa in ay qabsoonto dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021 si gaar ah xulista baarlamaanka waxaa loo madalsanaa December, 2020, halka madaxweynaha la rajeynayey in loo coddeeyo 8-da Febraayo, 2021-ka.

Wadahadalo ay hogaamiyeyaasha siyaasadda si gaar ah madaxda federaalka ee waqtiga ka dhacay iyo kuwa maamuladda ka yeesheen is-mari-waaga doorashooyinka ayaa fashilmay markii ay isku mari-waayeen qodobada qaar.

Mabda' ahaan, madaxda heshiis ayay ku yihiin in doorashadda ay dhacdo. Hase ahaatee, waxaa muranka ugu culus uu ka taagan yahay qaabka loo qabanayo. Maadaama ifafaalo xal uusan jirin, waxaa sii kordheysa baqdinta isku-dhac.

GAROW EONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM