Mareykanka oo shaaciyey miisaaniyada sanadlaha ee Al-Shabaab

Image
Washington ayaa gulufka ka dhanka ah xoogaga hubeysan waxay ku balaarisay cunoqabateyn cusub.

WASHINGTON, US - Mareykanka ayaa ballaarinaya dagaalka uu kula jiro maleyshiyaadka Al-Shabaab oo ah faraca shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo talada milateri ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa haatan lagu kordhiyey cunqabateyn cusub oo xooggan.

Waaxda Maaliyadda ayaa Isniintii soo bandhigtay cunaqabateyn lagu soo rogay afar ka mid ah horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab iyo sidoo kale shan sarkaal oo dhammaantood la sheegay in ay ahaayeen kuwa halbowlaha u ah shabakad lagu soo eedeeyay ururinta lacagaha, qorista dagaalyahannada iyo soo iibinta hubka.

Sida laga soo xigtay Mareykanka, shabakada wax tahriibisa ayaa lacagta kasoo qaada ilo kala duwan, oo ay ku jiraan ururada aan dowliga ahayn wallow aan lasoo bandhigin dhamaan ilahaas.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shabakdan ay ka caawiyaan Al-Shabaab in ay soo xarooto lacag lagu qiyaasay 100 milyan oo doolar sanadkii, taasoo gacan ka geysata kobcinta baaxadda iyo awooda kooxda.

Warbixin ay horraantii sanadkan soo saartay hay’adda cilmi-baarista fadhigeedu yahay Muqdisho ee Hiraal ayaa tilmaamaysa in rubuc ka mid ah lacagtaas, ama ilaa 24 milyan oo doolar, lagu kharash gareeyo hubka oo keliya.

Warbixintan ayaa waxaa xaqiijiyay qiyaasaha sirdoonka ee ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Tani waxay ka dhigan tahay in kooxda ay sanad walba hesho miisaaniyad ay ku howlgasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM