Mareykanka oo weeraray saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa Arbacadii duqeeyay saldhigyo Al-Shabaab ku leedahay Jilib, fariisinka ugu weyn xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Afhayeenka dowladda federaalka ayaa tilmaamay in howlgalkaas lagu burburiyey xerooyin ay lahayd "kooxdaas argagixisadda ah".

Ismaaciil Mukhtaar Cusmaan ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaas dhanka cirka ah aysan waxyeelo kasoo gaari rayid.

"Al-Shabaab oo sii wiiqmeysa haatan xitaa awood uma lahan in ay difaacato dhulkeeda," ayuu u sheegay mareega Ourbitcoinnews.

Hay’addaha nabad-gelyadda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayuu xusay in asbuucaan "ay howlgalo guuleystey ka fuliyeen gobolka".

"Sanado kahor, waxay maamuli jireen badi koonfurta Soomaaliya, kadib cadaadis kaga yimid milatariga Mareykanka, Midowga Afrika iyo dowladda ayaa burburiyey awoodooda gobolka," ayuu raaciyey.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duulaankaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Bishaan Janaayo, 27-deeda, 2020, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa baahiyey in duqeyn ay Al-Shabaab kula beegsadeen agagaarka Jilib, gobolka Jubada Dhexe, ay ku dileen hal dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM