Mas'uul isku day kaga badbaadey magaalada Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiye gobol ku yaala Soomaaliya ayaa ka badbaadey Sabtida maanta ah wuxuu ka badbaadey qarax is-miidaamin oo ay ugu yaraan ku naf-waayeen saddex, kuna dhaawacmeen laba ilaaladiisa ahaa.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen falkaas oo ka dhacay banaanka Hotel ku yaala xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, is-miidaamiyaha ayaa beegsaday kolanyo galbineysay mas'uulka oo waqtigaas kasoo baxay Hoteelka aadka loo ilaaliyo.

"Cali Wardheere Dooyow, guddoomiyaha gobolka Baay, wuxuu ahaa bartilmaameedka. Guddoomiyaha ma uusan dhaawacmin, balse laba kamid ah ilaaladiisa waxay dhaawacmeen, midna uu dhintay," ayuu yiri Maxamed Aadan Ibraahim, oo ah sarkaal boolis oo ku sugan magaaladda Baydhabo.

Shanta ruux kale ee waxyeeladdu soo gaartey ayaa lagu waramay in ay badankood ahaa rayid, waxaana loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaaladda.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleyshiyadda Al-Shabaab.

Baydhabo oo loo tixgeliyo mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya ayaa qiyaastii 240 KM ayaa waxay dhanka Koonfur Galbeed kaga began tahay magaala madaxda waddanka ku yaala Geeska qaaradda Afrika ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM