Masar oo bilowday olole qaaraan loogu uruurinayo Soomaaliya

Image
Lacagta ka dhiman mucaawinadan ayaa waxa ay gaareysaa gaareysa $25.9 milyan.

QAAHIRA, Masar - Hawlgalka Masar ee Midowga Afrika (AU) ayaa bilaabay olole lagu bixinayo lacago ka dhiman taakulo maaliyadeed oo loo fidinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo ay soo wajahday dhaqaale xumo.

Lacagta ka dhiman mucaawinadan ayaa waxa ay gaareysaa gaareysa $25.9 milyan. Qaaraan-uruurinta ay Masar ka dhex-bilowday Ururka Midowga Afrika ayaa ka bilaabay Guddiga Miisaaniyadda Midowga Afrika.

Sidoo kale, waxaa ololahan uu gaarey illaa heer hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah, Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika, iyo waaxyaha kale.

Ergeyga Joogtada ah ee Masar u fadhiya Midowga Afrika, Maxamed Gad, ayaa horboodaya ololahan oo ay u xilsaartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Qaahira.

Gaad waxa uu sheegay in awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda dhibaatooyinka ka dhex jira qaaradda Afrika ay muujinayso sida ay uga go’an tahay caawinta dalalka xubnaha ka ah.

"Sidoo kale, waxa ay iftiiminaysaa mas’uuliyadda ka saaran arrimaha nabadda iyo amniga ee Qaaradda," ayuu raaciyay, isaga oo si adag u beeniyay sheegashada ka soo horjeeda.

Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado taageerada dadaallada lagu doonayo in lagu helo tabarucaad ay Qaramada Midoobay qiimeysay si loo maalgeliyo hawlgallada taageerada nabadda Midowga Afrika.

"Masar waxay muhiimad gaar ah siinaysaa xasiloonida Soomaaliya, waxayna taageertaa dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga iyo sidii loo dhisi lahaa awoodda hay’adaha dowladda ee shacabka Soomaaliyeed," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM