Mas'uul iyo sarkaal "fududeeyay" qarax oo maxkamad lasoo taagay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqii hore ee degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale, ayaa kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamadda ee Muqdisho, sidda loo xaqiijiyey mareega GO.

Nuur Ibraahim Mahad-Alle oo horey u ahaa sarkaal boolis ayaa si lamid ah waxaa lasoo taagay maxkamadda, Khamiista maanta ah.

Labadaan ruux ayaa lagu soo eedeeyay in ay xubin ka yihiin lana shaqeeyaan maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa lagu soo oogay in ay fududeeyeen qarax Miino oo lagu khaarijiyey ku xigeenkii duqa Maxaas, Rashiid Cusmaan Cabdi.

Falkaas ayaa 19-kii bishii April ee 2019-ka ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala magaaladaas ka tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Sidda laga soo xigtay dacwadda, Cawaale ayaa si gaar ah loogu haystaa in uu xiriir toos ah la leeyahay Al-Shabaab uuna qaraxa isaga soo geliyay degmada.

Mahad-Alle oo qirasho sameeyay ayaa u sheegay garsooreyaasha in labadooda ay kawada shaqeeyeen qaraxa isla markaana xili habeen ah uu wareejiyay.

"Waa laygu yiri waa gudoomiyaha, hala hadlin isagana kula hadli maayo," ayuu xusay, isaga oo aan carabaabin cidda fariintaas ay uga timid.

Cawaale ayaa jagadda gudoomiyenimo waxa uu waayey 19-ka bishii September ee sanadkan 2019, sidda ku cad qoraal uu helay warsidaha Garowe Online.

Qareenadda u dooda eedeysaneyaasha ayaa waxay codsadeen in la siiyo waqti kale oo dheeraad ah si ay isku soo daba ritaan dhageysiga difaacooda.

Iyadda oo qadarineysa dalabka qareenadda, Maxkamadda ayaa waxay balamisay fadhiyo kale, kuwaas oo goorta ay qabsooomayaan dib laga soo sheegi doono, sidda uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha Maxkamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM