Mas'uul iyo sarkaal "fududeeyay" qarax oo maxkamad lasoo taagay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqii hore ee degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale, ayaa kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamadda ee Muqdisho, sidda loo xaqiijiyey mareega GO.

Nuur Ibraahim Mahad-Alle oo horey u ahaa sarkaal boolis ayaa si lamid ah waxaa lasoo taagay maxkamadda, Khamiista maanta ah.

Labadaan ruux ayaa lagu soo eedeeyay in ay xubin ka yihiin lana shaqeeyaan maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa lagu soo oogay in ay fududeeyeen qarax Miino oo lagu khaarijiyey ku xigeenkii duqa Maxaas, Rashiid Cusmaan Cabdi.

Falkaas ayaa 19-kii bishii April ee 2019-ka ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala magaaladaas ka tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Sidda laga soo xigtay dacwadda, Cawaale ayaa si gaar ah loogu haystaa in uu xiriir toos ah la leeyahay Al-Shabaab uuna qaraxa isaga soo geliyay degmada.

Mahad-Alle oo qirasho sameeyay ayaa u sheegay garsooreyaasha in labadooda ay kawada shaqeeyeen qaraxa isla markaana xili habeen ah uu wareejiyay.

"Waa laygu yiri waa gudoomiyaha, hala hadlin isagana kula hadli maayo," ayuu xusay, isaga oo aan carabaabin cidda fariintaas ay uga timid.

Cawaale ayaa jagadda gudoomiyenimo waxa uu waayey 19-ka bishii September ee sanadkan 2019, sidda ku cad qoraal uu helay warsidaha Garowe Online.

Qareenadda u dooda eedeysaneyaasha ayaa waxay codsadeen in la siiyo waqti kale oo dheeraad ah si ay isku soo daba ritaan dhageysiga difaacooda.

Iyadda oo qadarineysa dalabka qareenadda, Maxkamadda ayaa waxay balamisay fadhiyo kale, kuwaas oo goorta ay qabsooomayaan dib laga soo sheegi doono, sidda uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha Maxkamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM