Mas'uul iyo wiilkiisa oo lagu dilay qarax loogu duugay hoygooda

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu khaarijiyey Jowhar, caasimadda maamul goboleedka HirShabelle, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Maxamed Cabdi Sugaal ayaa ku dhintay qarax ka dhacay hoygiisa ku yaala magaaladaas uu maro webiga Shabelle. Wiilkiisa ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu ku naf-waayey falkan.

Mas'uuliyiin sar-sarre oo hay'addaha ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa lagu dhex-duugay guriga Sugaal oo ku yaala xaafadda Hantiwadaag gaar ahaan Aaga Barre Yarre.

Wariyaha GO ayaa kusoo waramaya in Sugaal uusan lahayn wax ilaalo qaas ah, hoygiisana uu ku yaalo meel ku dhow kontaroolka waqooyi ee laga soo galo ee magaaladaas uu maro webiga Shabelle.

Taliska Booliska oo ka fal-celiyey dhacdadan ayaa ku adkeystay in ay baarayaan. Eheladda marxuumiinta ayay tacsi u direen, iyaga oo u rajeeyay in ay helaan naxariista.

Dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa waxaa looga bartay weerarada noocaan ah oo ay ku beegsato saraakiisha muhiimka ah ee dowladda iyo maamuladda.

HirShabelle, waa dowlad goboleedka ugu da'da yar kuwa xubinta ka ah federaalka, waxaana mas'uuliyiintiisa oo amnigooda uu dayacan yahay si joogta ah u beegsata kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Bishii hore ayay ahayd markii wasiir hore oo HirShabelle ah, mas'uul heer gobol ah, shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini'aadantinimada iyo askar lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo falkaas kadib walaac iyo qalyo dhaan soo saarey ayaa dowladda waydiistay talaabo, wuxuuna xusay in Shabaabkii Koonfur-Galbeed u soo wareegeen maamulkiisa.

Dilkan ayaa noqonaya wax cur-dun ku ah Soomaaliya, inta la og-yahay, maadaama hore loo arkay mas'uuliyiin dilal qorsheysan ama kolanyo ay la socdeen lagu beegsaday. Horayse uma dhicin in gurigooda loogu aaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM