Mas'uul katirsan gobolka Banaadir oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in maanta duhurkii kadib lagu dilay magaalada Muqdisho.

Goob-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqijiyay in Mas'uulka la dilay uu la shaqeynayay mamaulka degmada Yaaqshiid, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cartan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cartan uu ahaa Sarkaal katirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya.

Nin bastoolad ku hubaysan ayaa ku toogten Cartan Nawaaxiga Daarta Wiif, ee Suuq Bacaad, kaasi oo isna ciidamada amniga ay isla goobta ku toogteen.

Lama oga cida dilka Cartan ka dambaysa, balse wuxuu dilkaasi qeyb ka noqonayaa dilal mudooyinkii dambe ka dhacay Muqdisho, oo loo geysanayay Odayaal, shaqaalaha dowladda iyo dad kaloo Askar kamid ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM