Xukun laga soo saarayo ganacsato lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah ganacsato lala xiriiriyey maleyshiyada gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Ganacsatadan oo tiradooda ay gaareyso todoba ayaa laba kamid ah maqane yihiin kuna jiro horjoogahooda kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cusmaan Maxamed lehna afgarasho uu kamid yahay Tuutaale.

Eedeysaneyaasha kale ayaa kala ah; Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaam Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed iyo Cabdisalaam Cusmaan Maxamed.

Sida laga soo xigtay xeer-ilaalinta maxkamada ciidamadda, shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay caasimada Soomaaliya ka dejiyaan maadooyinka laga sameeyo qaraxyadda.

Maadooyinka waxaa kamid ah MPK oo loo isticmaalo bac-raminta beeraha iyo mashiinka lagu jar-jaro biraha kaasoo loo isticmaali karo sameynta qaraxyadda, sida xeer-ilaalintu shaacisay.

Cabdisalaan ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in uu qaabilsan yahay hubinta tayada maadooyinka, halka Khadar "uu yahay xiriiriyaha soo-saaraha maadada kaasoo fadhigiisu yahay waddanka Shiinaha".

Dacwad-oogeyaasha oo cuskadey caddeymo ay kamid yihiin codad iyo muuqaal la isku-dhaafsadey WhatsApp ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in dil toogasho lagu xukumo Cabdisalaan "maadaama dhagartiis dad u dhinteen".

Hase ahaatee, qareenada difaacaya eedeysaneyaasha oo ku gacanseyray dalabka xeer-ilaalinta ayaa ku adkeystay in maadooyinka ay yihiin kuwa dhowr wejiyo loo adeegsado "aysana ahayn dadkii ugu horeeyay ee dalka keenay".

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda, Xasan Cali Nuur [Shuute] oo soo xiray fadhiga xeerbeegtada ayaa wuxuu daaha ka rogay in maxkamadda ay go'aan kasoo saareyso wallow uusan carabaabin waqtiga saxda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM