Maxkamadda Ciidamada oo 10 sano ku xukuntay Sarkaal ka tirsanaa ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye)10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay in uu ‘AS’ u qaabilsanaa Maaliyadda Lacagaha baadda ah.

Waxa uu ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn. Waxaana la sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan jiray 150-200$ bishii.

Waxa laga soo qabtay deegaanka Baraak-Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan.

Xaashi iyo Xubin kale oo la socday ayaa watay laba qori AK 47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak-Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn.

Dagaal dhaxmaray isaga iyo ciidamada amaanka ka dib, Xaashi ayaa ku dhaawacmay isla markaana gacanta lagu soo dhigay, halka uu geeriyooday nin kale oo la socday.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM