Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya oo xorriyadiisa u celisay Abuuja

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya ayaa sii deysay wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja kadib markii ay shaaca ka qaadey in ay been abuur yihiin dacwadda Al-Shabaabnimo ee lagu soo oogay.

Saxafiga oo ka howlgalayey mid kamid ah xarumaha warbaahinta ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale wuxuu wajahayey dacwado la xiriira dil ka dhacay Muqdisho iyo in uu sameeyay Khiyaano qaran.

Saddex fadhi oo kiiskiisa ay maxkamadda ciidamadda ka yeelatay, dhamaantooda wuxuu ka sheegay in ay been abuur yihiin eedeymahaas isla markaana uu yahay "muwaadin xaq lagu leeyahay xaqna leh balse la dulmiyey".

Dacwad-oogeyaasha oo difaacay dhamaan eedeymahaan ayaa ku guuldareystay in ay keenan caddeymo xoojinaya sheegashadooda, waxaana marqaatiyeyaashii ay la yimaadeen ay noqdeen kuwa fashilmay oo kala hadlay.

Ururada u dooda xuquuqda warbaahinta madaxa-banaan ee Soomaaliya iyo caalamka oo si weyn bogaadiyey una soo dhaweeyay go'aanka xeer-beegtada ayaa ku qeexay "in cadaaladu ay shaqeysay".

Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo bayaan kasoo saarey sii deynta wariyaha ayaa sheegay in kolkii hore xorriyadiisa looga qaadey sifo aan sharciga waafaqsaneyn.

"Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxey soo dhaweyneysaa go’aanka ay gaartay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo amartay in la siidaayo Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo u xirnaa eedeymo aan sal iyo raad laheyn," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Abuuja waxaa xuriyadiisa looga qaaday sifo shari darro ah waxaana codsaneynaa in magdhaw la siiyo anagoo og in lagu bartilmaameedsaday shaqadiisa iyo waliba warbixino uu diyaariyay wariyaha".

"Waxaan ku faraxaanahay xarig dheer oo sharci darro ah kadib in aan maanta dib xorriyadiisa uu u helo wariye Abuuja, waa u mahad celineynaa maxkamaddii u caddaalad fashay," ayuu yiri Maxamed ibraahim Macalimoow, Xoghayaha FESOJ.

Abuuja oo xukunka sii deyntiisa kadib u waramay warbaahinta ayaa u mahadceliyey garsooreyaasha, ururada warbaahinta iyo shacabka garab-istaagay mudada shanta bilood ah ee uu xirnaa.

Bishii Maaj ee sanadkii lasoo dhaafay 2020-ka ayaa saxafiga laga xiray xaruntiisa. Wallow aysan ahayn markii ugu horeysay, haddana wuxuu xirnaa in muddo ah, iyaddoo aysan dowladdu shaacin sababta loo haysto.

Bishii April 22-keeda, wasaaradda warfaafinta oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa xustay in Abuuja loo haysto Al-Shabaabnimo isla markaana uu kasoo hor-muuqan doono maxkamadda si loogu qaado dacwada lagu oogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM