Dowladda Soomaaliya oo wariye u xiran la xiriirisay ururka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur [Abuuja] uu u xiran yahay eedeymo la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo bandhigtay in Abuujar uu ku eedeysan yahay in uu ku lug lahaa dil ka dhacay degmada Boondheere.

Falkaas khaarijinta ah waxaa loo geystay marxuumad Baxsaneey Booleey, taariikhdu markii ay ahayd 6/3/2019, sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaaradda.

"Hay'addaha amniga ayaa eedeysanaha gal-dacwadiisa u gudbinaya Hay'addaha Garsoorka ee ku shaqada leh," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo lagu faafiyey wakaalada wararka Qaranka.

Abuuja oo kasoo shaqeeyay xarumo warbaahin oo kala duwan ayaa markii ugu dambeysay ahaa tifaftiraha Idaacada Hiigsi oo ka howlgasha magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Eedeynta ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii xubno ka tirsan qoyskiisa iyo ururo u dooda xuquuqda saxaafada ay dalbadeen in la caddeeyo sababta uu u xiran yahay saxafiga.

Dhanka kale, ma jirto wax jawaab ah oo ururada saxaafada iyo xubnaha qoyskiisa oo illaa iyo haatan ay kasoo saareen war-saxaafadeedka dowladda oo lama filaan ku noqdey saaxiibadiisa shaqada iyo ehelkiisa.

QORAALKA DOWLADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM

Maxay tahay Casuumaadda uu Putin usoo diray Xasan Sheekh?

Safarada Xasan Sheekh ee dibadda ayaa noqday kuwii ugu badnaa oo Madaxweyne Soomaaliyeed sameeyo mudada uu xafiiska joogo.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 07:40AM