Mid kamid ah dhalinyarada kasoo baxsatay Eritrea oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah dhalinyaradda kasoo goosatay askarta sidda qarsoodiga ah uu maamulka Farmaajo tababarka ugu diray waddanka Eritrea ayaa xalay lagu dilay degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdimaalik Cabdullaahi Xaaji oo ay wehliyaan saddex kale ayaa 10-kii June waxaa magaala madaxda Garowe kusoo bandhigtey dowlada Puntland ayaga oo tibaaxay in ay qaab lug ah kaga soo ban-baxeen waddanka Eritrea.

Sida laga soo xigtay qoyskiisa, marxuumka oo isla maanta lagu aasay mid kamid ah qabuuraha magaalada Afgooye ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay wiil kale oo ay saaxiibo ahaayeen kadib markii muran uu soo kala dhex-galay.

Aabihii, Cabdullaahi oo qudhiisa ah askari ka tirsan ciidamadda ka howlgala degmada Afgooye ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in uu xiran yahay "gacan ku dhiiglaha" isla markaana uu wajihi doono cadaaladda.

"Muddo dhowr iyo labaatan waxaan dhameyn ayuu joogay. Wiil ay saaxiibo ahaayeen ayay isku dhaceen hadal ayay is-dhaafsadeen way is-feereen kadib toorey ayaa lagu dhuftey tooreydaas ayuu u dhintay," ayuu yiri.

Cabdullaahi oo aan bixin tafaasiil ku saabsan waxa ay isku qabsadeen ayaa caddeeyay in wiilkiisa uusan ku wargelin bixitaankiisa safarkii Eritrea. Sidoo kale, ma uusan la wadaagin saxaafadda haddii uu la wadaagay xog kale.

In ka badan 5,000 dhalinyarro Soomaali ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa la sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaab qarsoodi ah tababar ugu dirtey dalka Eritrea kuwaas oo badankooda aan wali waddanka lagu soo celin.

Inkasta oo dowladda federaalka ah ay beenisay warkaas, waxaa jira warbixino tibaaxaya in askartaas ay ka howlgaleen gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray halkaas oo bilooyinkii u dambeeyay ay ka oognaayeen colaaddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM