Midowga Afrika oo lagu dhaleeceeyay diidmada go'aankii Rooble

Image
AU-da ayaa cod dheer waxaa looga dalbadey taageerida dadaaladda ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku dhaleeceeyeen diidmadda guddoomiyaha Midowga Afrika ee cayrintii Francisco Madeira.

AU-da ayay cod dheer waxay ugu baaqeen in uu si degdeg ah u badalo diblumaasiga reer Mozambique iyo in uu si buuxda u taageero dadaaladda ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Roble.

Sidoo kale, waxay dalbadeen in la dardargeliyo dhameystirka geedi-socodka doorashadda oo golaha shacabka ay gabagabo mareyso balse wali la isku hayo kuraasta gobolka Gedo.

Geesta kale, Wasaaradda Amniga dalka ayaa fartay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay kala laabato warqada dal ku joogga Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera oo Rooble dalka ka cayriyay dhawaan.

Dhanka kale, AMISOM oo sheegtay in laga bilaabo 10 illaa 16 bishan April ay xiri doonto kaamka ay deganyihiin ee xeradda Xalane si hubin iyo baaritaano loogu sameeyo ayaa tibaaxday in meelaha la beegsan doono ay ku jiraan ganacsiyada gudaha iyo caalamiga ah si lamid ah qaybta gaarka ah ee duulimaadyada ee Movcon.

Musharax Madaxwayne Cabdirahman Cabdishakur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa ku nuux-nuux-saday in AU-da ay ku qaldan tahay soo xigashada qoraalkii Farmaajo.

"Moussa Faki Guddoomiyaha Midowga Afrika waa inuu maanka ku hayaa in Farmaajo waqtigiisu ku ekaa February 2021, waana mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada socota," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Hadalkan halis kuma ahan kaliya hufnaanta doorashada, balse sidoo kale wuxuu halis ku yahay doorka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya".

Soomaaliya ayaa bartamaha ka jirta xaalad kala guur ah taas oo aan laga horudhici karin bar-dhamaadkeeda aadna looga cabsi qabo in ay kusoo dhamaato dagaal sokeeye wallow dadaalo jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM