Midowga Yurub oo balanqaad u sameeyay Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Labada mas'uul ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda Galmudug, Qoorqoor ayaa "ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya".

"Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug asagoona dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxwayne Qoorqoor.

Qoorqoor ayaa caasimada Muqdisho wuxuu u joogaa wadahadalada doorashooyinka kuwaasoo haatan gabagabo ah isla markaana qorshuhu yahay in lasoo afmeero maalinta Khamiista oo berri ku beegan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyagoo kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

"Waxaan maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie oo aan ka wada hadalay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka," ayuu Axmed Madoobe ku daabacay bartiisa Facebook-ga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM