Milatariga Soomaaliya oo guulo ka sheegtay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Howlgalkan wuxuu imaanayaa maalin kadib markii xayiraadda hubka laga qaadey xukuumada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan, sidda ay ku warantey warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Wakaaladda wararka qaranka ee SONNA ayaa warisay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamadda Soomaaliya iyo saaxiibadda caalamka hase ahaatee ma sheegin haddii ay ahaayeen hal dal ama wax ka badan.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay baadiyaha Hilow Bacad oo 8 KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxa uu intaas ku daray in howlgalkan ay sidoo kale ciidamadda dowladda ku burburiyeen fariisimo ay lahaayeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhanka kale, illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dagaalameyaasha Al-Shabaab wallow aan horeyba looga baran in ay ka hadlaan jabkooda.

Howlgalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa maalin kadib markii dowladda Soomaaliya ay u dabaaldegtay in laga qaadey xayiraadda hubka ee saarneyd waddanka tan iyo sanadka markii uu ahaa 1992-dii.

Cunaqabateyntan ayaa waxaa ay mamnuuceysay in dalka uu helo saanad ciidan oo balaaran hase ahaatee waxaa muuqanaysa in wixii markan ka dambeeya ay meesha ka baxayso dhamaan wixii caqabado ahaa ee taagnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM