Mowqifka Soomaaliya ee cambaareynta howlgalka Turkiga ee Suuriya

Image

QAAHIRA - Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa Sabtidii shalay gudoomiyay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka kaasoo looga hadlay howlgalka Turkiga uu kawado wadanka Suuriya.

War-murtiyeed laga soo saarey kulanka ayaa lagu cambaareeyay howlgalka Turkiga ee woqooyi-bari Suuriya oo ay ku tilmaameen wasiiradda "duulaan dal carab lagu qaaday oo gardarro ku ah qaranimadiisa".

Wasiirka arrimaha dibedda Ciraaq Maxamed Cali Alhakim, iyo gudoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarka Turkiga ee Syria intii lagu jiray shir deg deg ah oo isagu yeertay dowladda Masar.

Isagoo akhrinayay war-murtiyeedkii kulanka, Aboul Gheit ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay ka fiirsan doonto inay qaado tillaabooyin ka dhan ah Turkiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo iskaashiga milatari.

Wuxuu kaloo ugu baaqay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay "qaadaan tillaabooyin lagu joojinayo gardarada Turkiga iyo in si deg deg ah ciidamadiisa ugala soo baxo dhulka Suuriya".

Turkiga ayaa gaashaanka u daruuray bayaanka Jaamacadda Carabta, isagoo sheegay inay si khaldan u tarjumeen hawlgallada milatari, ee Suuriya, kaasoo xukuumadda Ankara ku doonayso inay ku sameyso aag nabad ah oo dib loogu celin karo qaxootiya Suuriya eek u sugan xilligan wadanka Turkiga, kuwaasoo lagu qiyaasay 3.6 milyan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda UAE Anwar Gargash ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarka Turkiga.

Qatar iyo Soomaaliya oo loo arko inay yihiin xulufada Turkiga, ayaa ka gaabsatay inay taageeraan ama diidaan war-murtiyeedka Jaamacadda Carabta ee looga soo horjeestay howlgalka Turkiga ee Syria, sida uu Reuters u sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Hossam Zaki.

Turkiga ayaa taageero maaliyadeed oo maalaayiin dollar ah iyo mid ciidan siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu Muqdisho ku leeyihay saldhig military, oo lagu tilmaamay midka ugu ballaaran Africa.

Qatar ayaa sidoo kale ka heshay Turkiga taageero military kadib markii dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay go'doomiyeen 2017, iyadoo uu Doha u diray ciidamo difaacaya dalkan katirsan Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM