Mudane taabacsan Trump oo wajahaya fadeexad soo shaacbaxdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga anshaxa ee koongareeska Mareykanka ayaa furay baaritaan ku saabsan eedeyo ka dhan ah sharci-dejiye Matt Gaetz, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee waddanka USA.

Sheegashooyinka ayaa xiriira in uu cilaaqaad aan habooneyn uu la yeeshay gabar dhalinyaro ah isla markaana uu jebiyey sharciyada la hal-maala qaadashadda hadiyadaha.

Bayaan Jimcihii kasoo baxay guddiga ayaa lagu xusay inay eegi doonaan warbixinada dadweynaha ee ah in Gaetz "laga yaabo inuu ku kacay tacadi jinsi" iyo "isticmaalka daroogada sharci darrada ah".

Gaetz, oo 38 jir ah, isla markaana ah nin caan ka ah xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynihii hore Mareykanka ee Donald Trump, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Mudanaha oo gal-dacwadkiisa si rasmi ah looga furay xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Mareykanka ayaa si xooggan u diiday inuu is casilo maadaama uu wajahaya fadeexad soo shaac baxday.

Dacwad oogayaasha federaalka ee gobolka uu Gaetz kasoo jeedo ee gobolka Florida ayaa baarey eedeymaha la xiriira ka ganacsiga galmada ee ka dhanka ah Joel Greenberg, oo ah canshuur uruuriye maxali ah saaxiib siyaasadeedna la ah Gaetz.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, Xeer-ilaaliyeyaashu waxay baarayaan in Gaetz iyo Greenberg ay si wadajir ah u bixiyeen ama hadiyado u siiyeen gabdhaha aan qaan-gaarka ahayn si ay ugu galmoodaan.

Greenberg waxaa  laga yaabaa inuu ku dhow-yahay inuu galo heshiis dambi qirasho ah lana saxiixdo mas'uuliyiinta iyadoo lagu badalayo in uu ku markhaati ku furo Gaetz taasoo kiiska weji cusub u yeelaysa kiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM