Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo cunada "ka soomay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali oo loo garan og-yahay Abuu Mansuur ayaa wuxuu ka soomay cuntadii, sidda wararka ka imanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay kusoo waramayaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa tibaaxay in Abuu Mansuur uu tan iyo ilaa Khamiistii ka sooman yahay cuntada.

Yuusuf Xasan Mursal oo tan iyo markii Mukhtaar Roobow la xiray u ololaynayay sidii loo sii dayn lahaa ayaa intaasi ku daray in ninkaasi oo ku dhawaad saddex sanadood u xiran Dowladda Dhexe aanan cidina loo ogolaan inay aragto, sidoo kalana aanan wax maxkamad ah la soo taagin.

Illaa hadda ma ay jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan cunnada la sheegay inuu ka soomay Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur ayaa la xiray bishii December ee sannadkii 2018-kii xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodey in sababta loo xiray ay tahay "in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM