Munaasabada shaacinta heshiiska doorashada oo bilaabatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Munaasabada looga dhawaaqayo heshiiska doorashooyinka Soomaaliya ee kasoo baxay wadahadaladii ay lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa goordhow ka bilaabatay Teendhada Afasiyooni ee Muqdisho.

Xaflada oo dib-u-dhac uu ku yimid waqtigii loo muddeeyay waxaa goobjoog ka ah; Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo, ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, madaxwayneyaasha shanta maamul, guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka, musharaxiin iyo siyaasiyiin.

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka sidda ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, danjireyaasha Midowga Afrika, Midowga Yurub, ururka IGAD iyo dalal ayaa goobjoog ka ah xafladan ay sidda weyn isha ugu haayaan dadka Soomaaliyeed.

Sida ay wararku sheegayaan, dib-u-dhaca saacadaha badan ee ku yimid furitaanka munaasabada waxaa sabab u ah dedaalo xal loogu goobayey khilaafka xubnaha guddiga doorashooyinka ee maamulaya xulista wakiilada maamulka Somaliland.

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Guuleed, ayaa lagu waramay in uu u dhaxeeyay khilaafka kuwaasoo isku hayey saamiga uu mid walba ku yeelanayo guddiga farsamada.

Illo wareedyo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in dedaalo ay dhinacyo kala duwan sameeyeen ay sababtay in is-afgarad laga gaaro arrinta.

Gobolada Waqooyi ee haatan loo yaqaano Somaliland ayaa wadar ahaan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxa ku leeyihiin 57 xubnood oo doorashadooda ay ka qabsoonto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyaddoo maamulkeeda ay kamid tahay qodobada xudunta u ah khilaafkii jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM