Weerar lagu qaadey xarun ay degan tahay Safaaradda Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye oo maanta oo Axad ah lagu qaadey xarunta Xalane, ee magaaladda Muqdisho.

Qof ku sugan xarunta ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey in 3 Askari oo katirsan AMISOM, 3 shaqaale kuwa dhisamaha ah iyo hal qof oo ajnabi ah ay ku dhaawacmeen weerar, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka AMISOM.

Inta la ogyahay 6 hoobiye , ayaa ku dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xalane oo ku dhegan, waxaana dhawaqa qaraxyada hoobiyayaasha laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda.

Lama oga halka laga soo tuuray hoobiyayaasha lala beegsaday Xalane, oo ah xarun ay degan yihiin safaaradaha shisheeye, oo mida Mareykanka ay ku jirto iyo hay'adaha Qaramada Midoobey.

Waa markii 2aad oo hoobiye lagu garaaco Xalane, iyadoo horaantii sanadkan lagu qaadey weerar noocan ah, oo dhowr shaqaale UN lagu dhaawacay, waxaana dhacdada lagu beegay xili Muqdisho laga eryay Wakiilkii UN-ka Nickolas Haysom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM