Muqdishu: Qof Kamid ahaa Ergooyinkii Doorashada oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan, oo aan heebtooda la aqoon ayaa Toogasho ku dilay Oday kamid ahaa Ergada Doorashada xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya.

Qof Goobjooge ah ayaa GO u xaqiijiyay in Odayga oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhoore ay ku dileen degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir xilli oo kasoo baxay Masjid uu Salaada Cishaha kusoo tukadey. 

Labo Nin oo bastoolado ku hubaysan ayaa fuliyay Dilka Nabadoon Axmed Dhoore, oo kamid ahaa Ergadii ka qeybgashay Doorashadii Xubnaha  Aqalka hoose, ee maamulka Galmudug, oo ka dhacday Cadaado. 

Ma jiro Cid sheegatay Mas'uuliyada Dilka Allah ha u naxariistee Nabadoon Axmed Dhoore, balse waxaa xusida mudan in dhowr Oday oo Ergada kamid ahaa lagu dilay dhawaan magaalooyin katirsan  dalka. 

Ciidamada Amniga ayaa la sheegay inay goobta dilka tageen, islamarkaana ay fuliyeen howlgal aan qofna lagu soo qaban, maadaama ay kuwa dilka geestay baxsadeen kahor imaanshaha Booliska. 

Al Shabaab ayaa hore wacad ugu maray inay dilayaan Ergada soo xushay Xildhibaanada, si ay u carqaladeeyaan Doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhacay caasumadaha maamul goboledyada dalka.

Talaadadii lasoo dhafaay,  waxaa Muqdishu lagu dhaariyay 284 Xildhibaan, oo isagu jiro Aqallada hoose iyo sare ee Baarlamaanka, kuwaasi oo la filayo inay doortaan Madaxweyne Cusub horaanta January.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM