Muranka DFS & Somaliland saameyn noocee ah ayuu ku yeeshay duulimaadka Hawada?
Muqdisho, Soomaaliya - Tan iyo bilowgii sanadkan waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda u dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland tan iyo markii 1-dii bishii Janaayo heshiis is afgarad ah ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
Iyadoo u aragta arrintan mid weerar ku ah madax-banaanideeda, Soomaaliya ayaa isla markiiba diidday heshiiskan, taasoo abuurtay xiisad hor leh oo u dhexeysa dalalka Geeska Afrika siiba Soomaaliya & Itoobiya.
Waxaa xigay Khilaaf dhanka hawada oo sababay shilal dhowr ah, waxaana walaac laga muujiyay badqabka duulimaadka hawada Soomaaliya.
Yaa maamula hawada dalka?
Hawada Soomaaliya ayaa sanadkii hore loo aqoonsaday heerka “Class A”. Tani waxay keentay in dalka dib loogu soo celiyo hagista iyo maamulka hawada ka dib 30-sano. Hawada dalka waxaa maanta maamula Hay’adda Duulista Hawada (SCAA) waxaana laga maamulaa xarun ku taallo magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Somaliland ayaa maamusho Garoomada Diyaaradaha ee deegaanadaasi, balse ma maamusho hawada sare.
Kadib heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland, Dowladda Soomaaliya ayaa bilaaway in ay xaddidaan dhaqdhaqaaqa duulimaadyada Somaliland si ay u caddeeyaan in ay maamulaan hawada.
Maxaa ka soo baxay khilaafka?
17-kii Janaayo, Hay’adda Duulista Rayidka ayaa ka hor istaagtay Diyaaradda Dash-8 ee Ethiopian Airlines oo siday wafdi ka socday Itoobiya kuna sii jeeday Hargeysa inay soo gasho hawada Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaysan fasax u haysan inay dalka soo gasho.
Hay’adda Duulista ayaa sidoo kale la sheegay inay ka hortagtay diyaarad Ambulance ah oo siday bukaan ka soo jeeda Somaliland oo u baahan gargaar degdeg ah, kaas oo la doonayay in dalka dibadiisa loo qaado. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymahan.
Bishii la soo dhaafay, shirkadaha diyaaradaha ee isaga kala goosha Soomaaliya waxa ay sheegeen in awaamiir iska soo horjeeda ay ka heleen Mas’uuliyiinta Towerada Soomaaliya. Toddobaadkii hore, diyaaradda Ethiopian Airlines (ET) Airbus A350 iyo Qatar Airways (QR) Boeing 787 ayaa si dirqi ah uga badbaaday shil.
Sidoo kale, Hay’adda (OPSGROUP) ayaa tilmaamtay inay heshay ugu yaraan toban warbixin oo ku saabsan diyaarado dul heehaabaya hawada Soomaaliya in uu la soo xiriiray qof sheeganaya in uu yahay Kormeere la shaqeeeya hay’adda Duulista Hawada kaas oo u sheegayay diyaaradaha awaamir is khilaafaya.
Bariga Afrika ayaa ka mid ah gobollada ugu mashquulka badan qaaradda, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu caansan Afrika, sida Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.
Waxaana la filaya in Shirkadahani ay joojiyaan isticmaalka Hawda Soomaaliya Muranka Soomaaliya & maamulka Somaliland awgiis. Afhayeenka IATA ayaa hore u yiri, “ma jirto shirkad diyaaradeed oo ku duuli doonta hawo aan ammaan ahayn."
GAROWE ONLINE