​Murashax Farole oo Muqdishu ka dagay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa goordhaweyd ka dagay magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia, halkaasoo ah goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha.

Mas'uuliyiin iyo bulshada ku dhaqan caasumadda Somalia ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Farole, ayaa saaka kasoo safray magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, halkaasoo muddo dhowr maalin ah ku sugnaa.

Mar uu saxaafada kula hadlay Caasumadda Somalia, ayuu sheegay inuu in haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu Mideyn doono dalka, sidoo kalena hormar la taaban karo gaarsiin doono Somalia.

"Lacag laaluush ah kuma bixin doono doorashada Xilka Madaxweyne, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in Shaqsi lacag ku iibsaday Kursiga, uusan Soomaaliya Hormar gaarsiin karin," Ayuu yiri Mudane Farole.

Socdaalka Cabdiraxmaan Farole, ayaa la xariirta arrimihiisa doorashada, waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Wuxuu sidoo kale tagista Murashaxu kusoo beegantay xilli maanta ay khudbado jeedinayaan mas'uuliyiinta u sharaxan Guddoonka aqalka Sare.

Farole, ayaa ah Xildhibaan kamid ah Aqalka Sare Somalia, waxaana mudanayaasha maalinta bari ah dooran doonaan Guddoonkooda oo ay u sharaxanyihiin 16 qof.

Warkaas oo faah faahsan dib ayaan idiin kasoo sheegi doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM