​Murashaxiin ka hortimid go'aanka Madasha [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Lix kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu caasumadda dalka, ayaa ka horyimid go'aan dhowr maalin ka hor kasoo baxay shirka Madasha wadatashiga madaxda Somalia.

Kulankaas oo lagu siyaadiyay xubnaha Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia, ayaa murashaxiintuka horyimaadeen iyagoo sheegay in la baalmaray dastuurka dalka.

Qorshahan, ayay ku sifeeyeen inay qayb ka tahay boobka lagu hayo doorashada Somalia iyagoo ku baaqay in beesha caalamku soo faragashado howlaha socda gaar ahaan golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

War-saxaafaadeed kasoo baxay murashaxiintaas oo nuqul kamid ah uu soo gaaray GO, ayaa sidoo kale ka digayay in dalka la galiyo fowdo siyaasadeed iyo colaado kala duwan.

Hadalkan, ayaa soo baxay xilli sidaas si lamid ah uga hortimid go'aankii madasha beesha caalamka oo shalay war-saxaafaadeed ay soo saareen kaga digay in la jabiyo dastuurka dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM