Musharax Dr Abdinasir oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada lagu ballansanyahay inay dhacdo dhammaadka sannadkan.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa haddana markale u taagan tartankaas, iyadoo uu wado olole aad u ballaaran oo ku doonayo inuu ku hanto kursiga looga arrimiyo Soomaaliya ayaa dadka wax falanqeeyaa ay ku tiriyaan inuu yahay musharaxiinta ugu miisaanka culus.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Musharaxa masuuliyiin ka tirsan Dowladda , Ganacsato, Waxgarad, Oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenka ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo loosii galbiyey xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir isla markaasna dhex lugeeyey taageerayaal aad u farabadan oo oo sitay boodhadh ay ku qoranyihiin hadallo soodhaweyn iyo taageero musharaxnimadiisa ku saabsan.

Wuxuu Musharaxu kula hadlay xarunta ololaha taageerayaasha Xisbiga Gurmad iyo dadweyne kale oo kasoo qeybgalay soodhaweyntiisa wuxuuna sheegay inuu sannadka filayo in dalka ay ka dhici doonto isbedel  iyo doorasho uu rajeynayo inay Shacabka Soomaaliyeed dhibka ka saari doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM