​Musharaxiin Khudbado ka jeedinaya Golaha Shacabka

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamanka Somalia, ayaa soo saarey liiska musharaxiinta Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacbiga kuwaasoo maanta khudbadahooda ka hor jeedin doona Xildhibaanada dhawaan lasoo xulay ee fadhiga kuleh magaalada Muqdishu.

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya waxaa kamid ah; Xildhibaan Cawad Cabdalla, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa ku xigeenka labaad ee Gudomiyaha Barlamankii kan ka horeeyay.

Mudane kasta oo jagadaasi raadinaya, waxaa la siiyay min 15 Daqiiqo oo kaga waramayo waxqabadka uu la imaan doono 4 sano ee soo socota iyo taariikh nololeedkiisa.

Maanta, ayaa qorshu yahay in lasoo gaba-gabeeyo Khudbadaha musharaxiinta, iyadoo Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa la filayo inay dhacdo maalinta Khamiista soo socoto (11-12ka January),  sida uu Gudiga Doorashadu horay u sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM