Musharaxiinta oo baaq kasoo saarey heshiiska doorashadda

Image
Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayay ku adkeeyeen is-waafujinta habraaca iyo habdhaqanka doorashada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay xalay soo saaeen waxay ku bogaadinayeen "tixgelinta la siiyey talooyinkii uu soo jeediyey ee ku aaddanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka qaranka".

Musharaxiinta ayaa wuxuu adkaynayay in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa.

"Golaha wuxuu rajaynayaa in madaxda golaha wadatashiga qaranka ay is-waafujiyaan habraaca iyo hab-dhaqanka doorashadda," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalkan uu arkay boga Garowe Online.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida aan xog ku helnay laga heshiin waayey.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ayaa loogu baaqay inaysan faraha la gelin arrimaha siyaasadda oo ay ku ekaadaan kaliya shaqadooda amniga.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabka ayaa loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Soo jeedintii ay musharixiinta dalbadeen ee aheyd in wax laga badalo sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa la qaatay, waxayna qodobada intooda badan la xiriireen sidii loo sixi lahaa cabashooyinka ka yimid doorashada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MUSHARAXIINTA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM