Musharaxiinta oo dalab kasoo saarey shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta oo taageeray daadihinta ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ee hanaanka doorashooyinka ayaa kalsooni ka muujiyey doorkiisa cusub.

Shirka loo balansan yahay 20-ka May oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah ayay si cad waxay u dalbadeen in ay ka qeybgalaan, iyaga oo intaas ku daray "in ay mudan yihiin".

Afhayeenka golaha Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafada kula hadlay Muqdisho wuxuu rajeeyay in ka qeybgalayaasha kasoo muuqdaan kulanka "wallow aanan jeclayn in uusan daahin".

Isku-day kasta oo Villa Soomaaliya ku wiiqeyso dedaalada wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayuu cod dheer kaga digay.

Dhanka kale, Geelle, oo wasiirka warfaafinta ka ahaa xukuumaddii Xasan Cali Khayre, ayaa hoos-u-dhigay wararka sheegay in musharaxiinta ay isku-khilaafeen warqadii ay ku dhaliileen Rooble.

"Warqadaas waa run annaga ayay naga soo baxdey. Laakiin mowqifka musharaxiinta waa kan aan aniga halkan [shirka jaraa'id] ka sheegay," ayuu Geelle kaga jawaabay su'aasha wararkaas.

Ugu dambeyntii, musharax madaxwayne Geelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida askari ka tirsanaa hay'adda NISA kaasoo markii mucaaradka uu ku biiray lagu dilay Muqdisho meydkiisa jidka la dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM