Musharaxiinta oo go'aan cad kasoo saarey masiirkooda

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed cad kasoo saartey mustaqbalkooda siyaasadeed ayaa shaaciyey in ay sii jirayaan kadib heshiiska doorashooyinka qaranka.

Afhayeenka golahan, Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafada la hadlay kadib kulan ay galabta ku yeesheen Muqdisho, ayaa shaaciyey go'aankan sida weyn loogu dheg-raaricinayey.

Mr Geelle ayaa wuxuu intaas ku daray in qodob kamid ah heshiiska lagu dhawaaqay Khamiista asbuucii hore uu ayaga khuseeyay kana wadaxaajoodeen qaabka ay u wajahayaan.

Talaabadan waxay jawaab u tahay tuhun ku aadanaa in madasha kala dareeri doonto marka lagu dhawaaqo heshiiska oo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen hogaanka dowladda iyo maamulada.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in qodobada heshiiska ka khuseeya musharaxiinta uu kamid yahay soo gudbinta xubnaha cabashada laga qabo ee guddiyada doorashooyinka heer federaal.

Sida ku xusan heshiiska, xubnahaas ayaa muddo saddex casho ah loogu gudbinayaan xafiiska ra'iisul wasaaraha kaasoo u sii diraya madaxda maamulada laga soo magacaabay xubnahaas.

Dhamaan wax ka bedelka xubnaha guddiyada ayaa, sida ku cad heshiiska, waxaa la doonayaa in lagu soo gabagabeeyo mudo shan casho ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska lasoo bandhigay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaal ee kasoo galaya HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ku darsatay shaqsiyaad taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM