Musharaxiinta oo isku kala qeybinaya degmooyinka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxay isku kala qeybinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo.

Talaabadan ayaa la macno ah inay ka guurayaan xarumaha ay haatan ka degan yihiin caasimadda oo ah ku dhow garoonka Aadan Cadde isla markaana ah mid aad loo ilaaliyo.

Sida ay xoguhu caddeynayaan, musharax walba wuxuu u guurayaa degmada degaan doorashadiisa ah ama haddii si kale loo macneeyo u dhiganta degmada ay reerkiisu ku badan yihiin.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ah labadii madaxwayne 7aad iyo 8aad ee waddanka ayaa lagu waramay in ay u wareegeen degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Sikastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli heer-kulka siyaasadeed ee waddanka uu meeshii ugu sareysay uu gaarey ka gedaal markii Golaha Shacabka sameeyay ku darsi.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in musharaxiinta ay talaabadan ku doonayaan in ay cadaadiska ugu kordhiyaan maamulka Farmaajo kadib fashilka wadahadaladii arrimaha doorashooyinka.

Maamulka Farmaajo oo ku guuldareystay in uu waddanka ka qabto doorashooyin la isla ogol-yahay ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo in uu dalka ku celiyo xukun keligiitalis ah, wallow uu beeniyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM