Musharaxiinta oo walwal ka muujiyey shan qodob

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo wuxuu wali faragelin ku hayaa habsami u socodka hanaanka doorashooyinka, sida ay sheegeen musharaxiinta madaxtinimadda.

Musharaxiinta oo bayaan kasoo saarey kulan dheer oo ay caasimada Muqdisho ku yeesheen Sabtida, 18-ka July, 2021 ayay walaac xoogan uga muujiyeen caqabado ay sheegeen in ay hortaagan yihiin coddeynta.

Caqabadahan oo gaaraya shan oo ay ku fahfaahiyeen war-saxaafadeedka ayay caddeeyeen in haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban ay horseedi karaan dib-u-dhac kale oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka.

Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayay cod dheer ugu booriyeen in ay ka shaqeeyaan sidii xal waara oo si dhaqsiya ah ku yimaada ay ku wajahaan shanta caqabadood oo muhiim u ah doorashooyinka.

Qodobada ay walaaca ka muujiyeen waxay kala yihiin;

- Kala qeybsanaanta ka jirta guddiyada gobolada Waqooyi ee labada garab ah.

- Xaalada gobolka Gedo oo weli heshiis laga gaarin.

- Dildilaaca dhanka amniga ee ka taagan gobolka Hiiraan.

- Lacagtii doorashada oo aan meel la saarin

- U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo aad u hooseysa

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeymaha iyo walwalka ka imaanaya musharaxiinta madaxtinimadda Soomaaliya kuwaasoo u taagan in ay bedelaan Maxamed Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA MUSHARAXIINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM