Musharaxiinta oo Qadar u gudbiyey dacwad ka dhan ah Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaadyo dheeraad ah ayaa laga helayaa kulankii ay Midowga Musharaxiinta ay xalay Hotel Decale ee Muqdisho kula yeesheen Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar u qaabilsan arrimaha xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Dhinaca musharaxiinta waxaa ka socday; Xasan Sheekh Maxamud, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble. Dr. Mutlaq waxaa dhankiisa wehliyey danjiraha dowladda Qadar u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Injineer Xasan Bin Xamza.

Sida ay xoguhu muujinayaan, wadahadaladda oo ahaa kuwa albaabadu u xiran yihiin waxaa diiradda lagu saarey xaaladda cakiran ee dalku ku sugan yahay, is-mari-waaga doorashadda iyo taageeradda ay xukuumadda Dooxa siineysay afartii sano ee lasoo dhaafay taliska waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.

"Is-dhaafsiga aragtida xaalada dalka kadib. Musharaxiinta waxay ku eedeeyeen Qadar in afartii sano ee lasoo dhaafay ay si indho la’aan ah u meelgeliyeen maamulka Farmaajo ayagoo u soo marinaya taliyaha NISA, Fahad Yaasiin. Taageeradaas awadeedna taliska hadda waqtiga dhacay u waxyeeleeyeen nidaamka federaalka dalka, dimuqraadiyadda, dhismaha ciidamadda iyo geedi-socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya," ayay sheegeen illo wareedyo si dhow ugu dhuun-daloola kulanka oo u waramay Garowe Online.

Illo wareedyada ayaa ku daray: "Qalabka iyo tababarka ciidamadda Turkiga iyo Qadar siiyeen taliska Farmaajo ayay sheegeen in lagu beegsaday siyaasiyiinta mucaaradka. Marka loo eego qaabka abaabulan ee ay eedeynta dusha uga tuureen taliska Farmaajo, musharaxiinta waxay u muuqdeen kuwa gudbiyey dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo".

Dhambaalka loo geeyay Farmaajo

Musharaxiinta ayaa, sida ay wararka qaar tibaaxayaan, waxay u soo jeediyeen ergayga in xalka xaalada cakiran ee hadda taagan uu ku jiro in ay "marka garawoshiyo ka bixiyaan taageeradooda sida qaldan loogu adeegsaday shacabka Soomaaliyeed iyo in Farmaajo uu faragelinta ka joojiyo geedi-socodka doorashooyinka ayna taageeraan doorka cusub ee uu la wareegay ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble".

Intii wadaxaajoodyaddu socdeen, Dr. Mutlaq ayaa dalkiisa ka difaacay eedeymaha. Wuxuu sheegay in aysan "dhisin shaqsi, balse ay taageereen dowlad Soomaaliyeed". Balse, masoo hadal-qaadin dalabka raaligelinta.

"Diblumaasiga wuxuu noo sheegay in kulankii uu Axadii la qaatay Farmaajo uu u geeyay dhambaal adag oo ay kasoo wada shaqeeyeen Qadar iyo Mareykanka kaasoo ku saabsan xaaladda murugsan ee Soomaaliya wajaheyso," ayuu yiri mid kamid ah musharaxiinta kulanka ka qeybgashay oo u waramay GO.

Musharaxa oo magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan xogta oo xasaasi ah awadeed ayaa ku daray: "Wuxuu kaloo sheegay in uu xiiseynayo soo afmeeridda is-qabqabsiga Kenya iyo Soomaaliya lana kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa".

Maadaama ay ku taalo aag muhiim u ah isu-socodka dhaqaalaha aduunka, Soomaaliya ayaa mar walba oo ay galeyso doorashooyin waxay noqotaa madal ay ku baratamaan wadamadda aduunka si gaar ah kuwa Carabta oo quudareeya in ay soo saartaan musharaxa taabacsan oo siyaasadooda fuliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM