Musharaxiinta oo shuruud ku xiray turxaanbinta guddiyada

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay "dedaalada lagu kala shaandheynayo" guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Bayaan ay soo saareen maanta ayay dalbadeen in habraaca uu noqdo mid daahfuran "laguna soo magacaabo xubnaha cusub hanaan ku saleysan heshiisyada" ay gaareen madaxda Soomaalida.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo hagaagaya xilli xubno ka kala tirsan musharaxiinta ay todobaadkii hore siyaabo kala duwan uga hadleen 34 xubnood oo laga saarey liiska guddiyada coddeynta.

Shaqsiyaadkaas laga saarey liiska ayaa kamid ahaa 67 kale oo ay gudbiyeen musahraxiinta ayna dalbadeen in la masaxo maadaama aysan buuxin shuruudaha kamid noqoshada guddiyada.

Xubnahaas laga saarey guddiyadda ayaa lagu eedeeyay in ay daacad u yihiin maamulka Farmaajo, iyo in ay kamid yihiin ciidamadda iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Is-qabqabsiga guddiyada doorashooyinka ayaa kamid ahaa qodobadii ugu cuslaa ee mudada bilooyinka ah dib-u-dhaca ku keenay qabsoomida doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.

Heshiiska 27-dii May ay Muqdisho ku gaareen madaxda Soomaaliya ayaa xeerinayey in guddiyada laga bedelo dhamaan xubnaha cabashada laga gudbiyey wallow dib-u-dhacdey xilligii loo qabtey.

Bayaanka Golaha Musharaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM