Rooble oo "nuglaadey cadaadis dibadda ah" xilli tuhun jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Axada maanta ah waxay soo saareen war-saxaafadeed ku qoran luuqadda English isla markaana nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online [GO].

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayay ku eedeeyeen in uu "kasii fogaanayo" dhexdhexaadnimada uguna baaqay in uu muujiyo "madaxbanaani, joojiyo waqti lumiska iyo safarada aan muhiimka ahayn ee dibadda".

"Goluhu wuxuu si qoto dheer uga walaacsan yahay in ra'iisul wasaaruhu u nuglaadey cadaadis dibadda ah taasoo horseeday in uu ka ruqaansado booskiisa dhexdhexaadnimadda," ayay ku sheegeen qoraalka.

Si degdeg ah ayay cod dheer uga dalbadeen in uu dib-ugu-soo laabto "ka shaqeynta geedi-socod doorashooyin oo ay wada ogol yihiin dhamaan dhinacyadda" ay khuseyso coddeynta Soomaaliya ee la isku hayo.

Dhawaqa Musharaxiinta ayaa kusoo aadaya xilli Rooble uu tan iyo markii uu la wareegay hanaanka doorashada uu laba jeer socdaal dibada ah ugu kala bixiyey wadamadda Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyada Jabuuti.

Safaradaas ayaa sare waxay u qaadeen tuhunka in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii ay u xagal-daacin lahayd geedi-socodka xukuumadda iyo shirka loo balansan yahay 20-ka bishaan Maarso.

Dhanka kale, musharaxiinta ayaa ku eedeeyay dowlada Farmaajo in ay ka laabaneyso dalabkii ay kal hore u gudbisay Midowga Afrika oo ahaa in ay ergay u soo diraan xalinta is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka Musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM